Kadib markii Ciidanka hay’adda nabadsugida ee NISA xayiraad ay saareen dhawaan Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka xili ay dhoofi laheyd Garoonka Aadan Cadde ayaa arrintaas waxaa loo saaray Guddi xaqiiq raadin ah.
Gudoonkqa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi xaqiiq raadin ah u diray warbixin la xiriirta sida ay u dhacday xayiraadii 25-ka Bishaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu saaray Xildhibaanad Daleys Xasan Aadan, xili ay kusii jeeday Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Xildhibaanada ayaa xayiraada lagu sameeyay kahor sheegtay fadhiga Golaha Shacabka, iyadoo tilmaamtay in xili horey la balamiyay kadibna markii ay tegtay Garoonka la xayiray.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi C/raxmaan ayaa warqad qoraa ah u diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo amniga Golaha, kuwaasi oo lagaga dalbaday inay baaris dhab ku soo sameeyaan xayiraadii Xildhibaan Daleys Xasan.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa la faray in warbixin dhameystiran oo la xiriirta xayiraada ay labada todobaad gudahood ku horkeenaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, si loo ogaado arrinta jirta loo ogaado.
Si kastaba Ciidanka hay’adda Nabadsugida ee NISA ayaa xayiraad saaray Daleys Xasan Aadan xili ay ka dhoofi laheyd Garoonka diyaaradaha, waxaana xayiraadaas ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.