War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Askari ka tirsan dowladda Goordhow qof shacab ahaa uu ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dad ku sugan Tarabuunka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in askariga dilka geystay iyo qofka shacabka ahaa uu soo kala dhexgalay muran,waxaana uu u geeriyooday qofka rasaas lagu dhuftay.
Meydka Marxuumka ayaa waxaa goobta uu dilka ka dhacay ka qaaday dad kale oo shacab ahaa,kuwaasi oo ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Askarigii dilka geystay uu goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana xiligaas goobta ka Agdhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Tarabuunka ku leh fariisimo.
Askarta ka tirsan Ciidamada dowldda Soomaaliya ayaa xiliyada qaar Magaalada Muqdisho dilal ugu geysta dadka shacabka ah iyo Darawada kaxeeysa Mooto Bajaajta.