Farmaajo “Natiijo wanaagsan ayaa kasoo baxday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran”

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday  ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa caawa jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo uu kaga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalki marayo iyo arrimaha taagan.

Billowga Khudbadda Farmaajo ayaa ahayd mid uu inteeda badan kaga hadlay arrimaha Ciidanka xoogga iyo arrimo kale oo dhammaaantood ku gadaamnaa waxqabadka dowladdiisa, taasi oo uu sheegay in qabka qaranimada Soomaaliya, ay Dowladdiisa kor u qaaday, taasi oo sida uu sheegay ay Soomaaliya guulo waa weyn ka gaartay.

Madaxweynaha Mudda Xileedkiisu dhamamaday Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa ka hadlay Shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay ee ay yeesheen madaxda Wadatashiga Qaran, kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed.

Farmaajo ayaa soodhaweyay go’aamadii kasoo baxay Shirka, waxaana uu carrabka ku dhiftay in qodobada ay soo saareen RW Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwo muhiim ah ah, oo dooarshada lagu jihaynayo.

Isagoo Madaxda Muqdisho ku shirtay ugu baaqay  ay ka dhabeeyaan go’aamada ay muqdisho ku gaareen, oo ay fuliyaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha wadtashiga qaran.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa sheegay in loo baaahan yahay in doorashada la dardar galiyo, oo aan dib loo dhigin doorashooyinka, sidoo kalena aan dalka qalalaase la galin.