Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Sacuudiga iyo ujeedka socdaalkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho rasmi ah ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Guddoomiyeyaasha labada dal ayaa wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, sida lagu shaaciyey Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor