Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan dil kooxo huebysan ay ugu geysteen degamda Waaberi askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Dilka askariga ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka baar ha-idhaafin ee degmada Waaberi,waxaana la sheegay in rag hubeysan ay askariga toogteen,sida uu Dalsan u sheegay qof ka agdhawaa halak uu dilka ka dhacay.
“Hal mar ayaa rasaas maqalnay kadib waan kala cararnay xoogaa markaan joognay waxaan aragnay askari nasoo sheegay inuu nabadsugid yahay oo goobta yaalay oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bustoolado,haa durba goobta ayuu ku geeriyooday dadkii dilayna waa ay baxsadeen.
Dilalka loo geysanayo askarta ciidamada dowladda ayaa marwalba waxa ay ka dhacaan Muqdisho iyo gobolada dalka,waxana dilka Maanta ka hadlin maamulka degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.