Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta furmaya

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacay Munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka KG ayaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Somaaliya iyo Jabuuti, Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka,Wasiiro iyo Madaxda Koonfur Galbeed.

Xalay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ku hoyday Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdi C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad,kuwaasi oo shalay gaaray halkaas.

Sidoo kale Madaxdan ayaa Khubad ka jeedin doona Munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay,isla markaana waxaa sugida amniga isla kaashanaya Ciidanka KG iyo kuwa AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media