Faah faahin kasoo baxeysa Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Marka

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhex dhacay gudaha Garaash lagu sameeyo gaadiidka oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee Marka, sida Idaacadda Dalsan u sheegeen dad ku sugan Magaalada Marka.

Sidoo kale Dad ayaa soo weriyey in qaraxa uu ku dhintay oo kaliya ruux loo maleynayo inuu diyaarinaayay qaraxa miinada ahaa ee qarxay, waxaana goobta markii dambe gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada.

Garaashka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa qeyb kamid ah soo gaaray burbur xoogan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Marka ayaa waxaa ay kamid ah tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Shabeellaha Hoose, waxaana muddooyinkii dambe amniga degmadaas uu ahaa mid wanaagsan oo aysan falal amni darro ka dhicin.