Wararka Idacada dalsan ee magaalda Muqdisho ay ka heleyso magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaas maanta y dil ka geysteen kooxo ku hubeysnaa Baastoolado.
Wararka ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay Xaafadda Buunada-weyn ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyada oo kooxihii dilkaas geystay ay goobta iskaga baxsadeen.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Iadacada dalsan ayaa sheegay in raggaan oo hubeystaan ay dhowr xabadood ku dhufteen Askariga kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Dhinaca kalana weriyaha warbaahinta dalsan ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay goobta gaareen iyaga oo halkaas ka qaaday Meydka Askariga.
Dhinaca kalana waxaa intaas kadib ay bilaabeen howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilkaas oo baxsaday,iyada oo weli ciidamo ay gaaf wareegayaan xaafadda Buundaweyne ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.