Faah faahin:-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Dil ka geystay Garoon Ciyaar

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa laba wiil oo dhalinyaro ah ku dilay gudaha Magaaladaas, kadib markii uu rasaas ku furay wiilasha.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga dowladda uu tegay Garoon ay dhalinyaro ku Ciyaarayeen kubadda Cagta, isla markaana Askariga uu kasoo degay Mooto Bajaaj, kadibna uu si bareer ah rasaas ugu furay Garoonka ay ka socotay Ciyaarta, ayna ku sugnaayeen dad badan.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday laba wiil oo dhalinyaro ah, isla markaana kamid ahaa dhalinyaro Ciyaar ku ciraayeysay Garoon kubada Cagta oo ku yaalla Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoona goobta laga qaaday Meydadka labada Wiil.

Allaha u naxariistee Labada wiil ee geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul, iyagoona kamid ahaa dadka degaanka, waxaana goobta isku dayey  inuu ka baxsado Askariga falka geystay, balse la qabtay.

Maamulka degmadaasi iyo saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya eek ku sugan Balad-xaawo ayaa soo xiray askarigii geystay dilkaas ee gacanta lagu dhigay, waxaana socdo wadahadallo looga xaalayo xalinta arinkaas.