Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlay dagaalo Khasaaro geystay oo dhacay

Gudoomiyihii Gobolka Gobolka Banaadir ahaan Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Colaada ka socota Degmada Wanla-weyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi ayaa waxaa uu ku sheegay in Colaada ka socota Wanla-weyn ay tahay mid ay wehliyaan dhaqamo ugub ah oo argagax leh.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in si Deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedka Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeeellaha Hoose

Dhinaca kale Taabid Cabdi ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed, sidoo kalena laga foggaado wax kasta oo uur-kutaalo reebi kara.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed.

Waxa ka socda Degmada Wanlaweyn/Daafeed ee G/Sh/Hoose waa fitno ay wehliyaan dhaqamo ugub ah oo argagax leh. Iyadoo ay nasiib darro tahay in qarnigan qabiil la isku dillo, ayaa haddana waxa Wanlaweyn laga soo sheegayo waa xagjirnimo bini’aadam cabirran karin. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, dhaawacana Allaha caafiyo.

Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada Wanlaweyn iyo Kismayo, la kala dhexgallo dadka walaallaha ah, lagana foggaado wax walba oo uur-kutaalo reebi kara oo aad berri ka shalaayi laheyd,wiliba tii akhirana kuu dhimantahay.

Dowladda Federaalka ah, Maamulka K/ Galbeed iyo Jubbaland, bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan culimada iyo nabadoonnada waa in si deg deg ah oo hagar la’aan ah loogu baxaa joojinta colaaddahaas. Sidoo kale waxaan ka codsanayaa bahda saxaafadda in aysan faafin waxyaabaha sii hurin kara dagaallada, oo ay saxaafaddu dhankooda nabbada wax ka raadiyaan.