Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in muhiimad ay leedahay in dadka laga wacyo-geliyo Cudurka halista ah ee COVID-19, si si looga feejignaado faafida Cudurka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Cudurka uu yahay dilaa oo kumanaan qof ay u geeriyoodeen, halka kuwo kalena uu weli haayo, ayna muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyo-geliyo, si uusan u faafin.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka uu olole buufin ah sameeyay xiligii uu Cudurka saa’id ku ahaa Caasimadda dalka, isla markaana la sameeyay dadaado dhowr ah oo looga hortegayay Cudurka.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigay daraasad ka hadleysa saameyntii uu Xanuunka Covid19 ku yeeshay shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya, Wakiilka UNDP ee Soomaliya, Agaasimayaal iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Daraasadan oo lala kaashaday Midowga Yurub iyo Hay’addo kale ayaa waxaa waxa soo bandhigay Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ay ku saabsaneyd Cudurka COVID-19.