Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Qorshe la xariira bixitaanka AMISOM

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb-galay  kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga Ee Midowga Africa.

Kulanku waxaa uu  ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom Meeting)  ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowlada Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Amisom.

Sidoo kale intii kulanku socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya  ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana Dowladu ka go’an tahay Xaqiijinta Amniga Guud ee Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

,kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor