Dowladda Somalia oo Maanta Deeq Gargaar ah kala wareegtay Imaaraadka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiiro kale ayaa la wareegay mucaawino raashin ah oo ay ku deeqeen dowladda  Imaaraadka Carabta .

Deeqdan gargaarka oo isugu jirtay nuucyada raashinka, isla markaana gaareysa 26-tan ayaa waxaa dalka keentay diyaarad gaar ah oo duhurnimadii Maanta kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho..

Wasiirka Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka xilgaarsiinta Khadiijo Maxamed diiriye iyo Wasiiro kale ayaa ka mahad celiyay kaalmadaasi mucaawinada ah  ee ay ku deeqeen Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda Imaaraadka ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda la wareegidda mucaawinadaasi, oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Gobolada dalka.