Dowladda Somalia oo caddeeysay in la diyaariyay sharciga hannaanka Federaalka

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay ku guuleysteen arrimo badan oo xal u ah horumarinta nidaamka guud ee hagaya Garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.

Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in la dhameystiray dhismaha Guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhismaha hay’addaha Garsoorka,wuxuuna intaa raaciyay in ay si joogto ah u socdaan wacyigalinta hay’addaha u xils aaran adeegyada Garsoorka .

Wasiirka Cadaaladda xilgaarsiinta oo ka qeyb galayey Barnaamij ka baxayey Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu caddeeyay in la diyaariyay Sharciga hannaanka Federaalka , iyadoo lala kaashanaayo Maamulada dowlad Goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur ayaa waxaa uu qiray in ay jiraan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo dowladda Federaalka, isla markaana waxa uu codsaday in dowladda gacan lagu siiyo howlaha ay u hayaan bulshada.