Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka ee uu ku guuleystay Musharaxii Xisbiga Demoqoraadiga ee Joe Biden.
Madaxweyne Saciid Deni oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambalyeeyay Joe Biden oo ku guuleystay Doorashadii Mareykanka, isla markaana noqday Madaxweynihii 46-aad ee dalkaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale guushii Joe Biden uu ka gaaray Madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump ku tilmaamay mid taariikhi ah, kadib markii uu Codad farabadan Biden uga adkaaday Trump.
“Hambalyo, Guushiina Taariikhiga ah; Madaxweynaha cusub ee Maraykanka loo doortay Joe Biden iyo Ku xigeenkiisa Kamala Harris “ ayuu yiri Madaxweye Saciid Deni oo qoraal ka soo saaray Doorashada Mareykanka.
Codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74.8-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70.5-milyan oo Cod.