Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka somalia, James Swan oo shalay booqasho ku tegay Garowe waxa uu Madaxweynaha Puntland kala hadlay xiisadaha colaadeed ee Maamulladda Somaliland iyo Puntland ee ka taagan Goballadda Sool iyo Sanaag.
Hdaal-qoraal oo uu Ergayga soo saaray waxa uu ku sheegay inuu Madaxweynaha Puntland, Saciid Dani iyo xubnaha Xukuumadiisa kala hadlay xiisadda kala dhexeysa Somaliland, wuxuuna ku baaqay in xal nabadeed lagu dhameeyo Colaadda ka taagan Deegaanka Tuqaraq ee Gobalka Sool.
“Waxaan ka walaacsanahay dhibaatadda sii socota iyo dagaalka ka socda Deegaano ka tirsan Goballadda Sool iyo Sanaag dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu ku yiri Qoraalkiisa James Swan.
Waxa uu sii raaciyey inay QM gacan ka geysan doonto arrintaasi, wuxuuna ku booriyey Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Somaliland inay raadiyaan xal nabadeed oo lagu dhameeyo Colaadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddamadda Labadaas Maamul-gobaleed waxay u dhexeeyey dagaal tani iyo sannadkii 2002-kii oo ku aadan Gacan-ku-haynta Goballadda lagu murunsan yahay ee Waqooyiga dalkeenna Somalia.