DEG DEG:-Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka Iskuulka Jeneraal kaahiye, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna sigaar ah uga dhacay goob maqaaxi ah oo fadhiyeen dad farabadan oo ku taalla degmada Xamar-jajab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin khasaaraha inta uu la egyahay, isla markaana waxaa socda gurmad xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana adeg xog hordhac ah laga helo halkaas.

La soco wixii kusoo kordha wararkaan Insha Allaaha.