Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Taar-roge, waxaana lasoo sheegayaa in Maleeshiyaadka dagaalamaya ay kasoo kala jeedaan Puntland iyo Galmudug.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dadka deegaanka ay maqlayaan dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayo.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la tilmaamaa inuu jiro oo ka dhashay dagaalkaas, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn, maadaama aaga uu dagaalka ka socdo uu yahay mid adeg in xog laga helo.