Nin hubeysan oo dhex galay laan ka mid ah Suuq dhawaan toogasho lala beegsaday

Ciidamada booliska ee dalka Mareykanka ayaa xiray nin hubeysan oo khamiistii dhex galay Suuqa Walmart ee ku yaalla magaalada Springfield ee gobolka Missouri.

Ninkaas ayaa xilliga uu goobtaas tagayay watay qori darandoorri u dhaca oo buuxa iyo ilaa 100 wareeg oo rasaas ah.

Inkastoo ninkan, oo sidoo kale xirnaa dharka qafilan ee aysan xabaddu karin, uusan wax rasaas ah ridin, haddana ficilkiisa ayaa naxdin badan galiyay dadkii ka dukaameysanayay suqaasi.

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar hal isbuuc markii ay toogasho khasaare weyn geysatay ka dhacday laan kale oo uu suuqa Walmar ku leeyahay magaalada El Paso ee gobolka Texas.

Weerarkaas oo uu fuliyay nin hubeysnaa ayaa lagu dilay 22 ruux oo rayid ah.

Ninkan argagaxa ka abuuray magaalada Springfield ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu suuqa kasoo dhex baxay.

Bayaan ay soo saareen booliska magaalada Springfield ayaa lagu yiri: “Nin caddaan ah oo dhowr iyo 20 sano jir ah ayaan xirnay, waxaana markii hore qabtay askari aan shaqada ku jirin, kaasoo ku simay ilaa ay ciidanka kale u imaadeen”.

Wali ma cadda waxa uu damacsanaa ninkan iyo inuu horay dambi kale u geystay toona.

“Ujeeddadiisu dabcan waxay ahayd inuu qalalaase sameeyo, wuuna sameeyay”, sidaas waxaa warbaahinta ku yiri taliyaha booliska Springfield.

Ninkan hubeysnaa ee la qabtay ayaa muuqaal iska duubayay isagoo dhex socda suuqa laga dukaameysanayay, wuxuuna mararka qaar la hadlayay dadka, sida uu taliyuhu sheegay.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu watay qori kale oo labaad.

Maalintii Arbacada, madaxweyne Donald Trump ayaa booqday magaalada El Paso, halkaasoo nin hubeysan uu ku weeraray suuqa Walmart, oo markaas aad loo buuxay.

Marka uu weerarkaasi dhacay, waxaa albaabada la isugu dhuftay dhammaan xarumihii ganacsi ee u dhowaa, waxaana laga daad gureeyay dadka.

Isku darka 31 qof ayaa lagu dilay weerarro is daba socday oo in ka yar 24 saac gudaheed laga geystay magaalooyinka El Paso iyo Dayton, oo iyana ka tirsan gobolka Ohio.

9 ruux ayaa lagu dilay halka ugu yaraan 27 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho aan kala sooc lahayn oo ka dhacday magaalada Dayton ee gobolka Ohio, dalka Mareykanka.

Waa weerarkii labaad ee toogasho ah oo dalkaas ka dhaca 24 saac gudahood.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay isla goobta ku dileen ninkii falkaas geystay, isla daqiiqaddii uu billaabay furista rasaasta.

Weerarkan toogashada ah ayaa dhacay abaare 01:07 waqtiga maxalliga ah, goobtuna waxay ahayd degmada Oregon oo ku taalla bartamaha magaalada.

Haweeneyda guddoomiyaha ka ah ismaamulka ayaa sheetay in ninka weerarka fuliyay uu xirnaa dhar qafilan uuna watay rasaas iyo qasnado dheeraad ah.

Ninkan ayaa isticmaalayay qori darandoorri u dhaca oo lagu magacaabo 223-calibre.

Nan Whaley ayaa suxufiyiinta u sheegtay inay “la dhacday” jawaabta deg degga ah ee ay boolisku bixiyeen, taasoo ay sheegtay in lagu baajiyay dhimasho badan.

Balse waxay carrabka ku adkeysay inay “xaalad aad iyo aad u adag” u tahay qoysaska ay kasoo jeedaan dadkii toogashada ku dhintay.

“Ka guddoomiye ahaan, tani waxay dhammaanteen noo tahay maalin qallafsan”, ayey tiri waxayna hadalkeeda sii raacisay: “Arrinta murugada leh waxay tahay inay farriimo iga soo gaarayaan dhammaan guddoomiyeyaasha kale, falkanna waa mid na wada taabtay”.

Dhacdadan ayaa timid saacado yar ka dib markii toogasho kale oo aan kala sooc lahayn ay ka dhacday magaalada El Paso ee gobolka Texas, taasoo lagu dilay ugu yaraan 20 ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media