Dad ku geeriyooday Roobab xoogan oo ka da’ay Jabuuti

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay da’een Roobab xoogan.

Roobabka ka da’ay Jabuuti ayaa waxaa Xaafad ku taalla duleedka Magaaladaas ugu geeriyooday Shan qof oo saddex ka mid ah Meydkooda la aasay, halka labada kalena oo ruux Dumar Meydadkooda uu qaaday daad ka dhashay roobka.

Muumin Axmed Sheekh oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa booqday Xaafadda dadka ay ku geeriyoodeen, waxaana uu shacabka u sheegay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kalana uga tacsiyadeeyay ehellada Shanta qof ee dhimatay.

Daadadkii ka dhashay Roobka ayaa waxaa sidoo kale ay burburiyeen dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo ku yaalla gudaha Jabuuti uu sameeyay Roobka.