Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gaaray degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana Ciidamadaasi huwanta ahi ay kusii jeedaan, Degmada Xarardheere, sida ay warbaahinta u sheegeen saarkiisha hor kacaysa Howgalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan Ciidanku ay gacanta ku hayaan degaanno dhowr ah oo hoos yimaada Xarardheere, waxaana degaanada ay gaareen ka mid ah Miliqo, dabagalo, Cell Cabdi iyo kuwa kale.

Ciidanka Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ayaa dhawaanahaan Al-Shabaab dhawaanahan waxaa ay dagaallo xooggan kula jireen dagaallo xooggan, waxaana degaanno dhowr ah oo ka tirsan Koofarta Gobolka Mudug ka dhacay dagaallo khasaaro gaystay, iyadoo sidoo kale duqeymo ay ka dhaceen Gobolkaasi.