Maraykanka oo ku baaqay inay Qaxootiga Soomaalida ku sii nagaadaan gudaha Kenya

Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec, ay ka hadlay  Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeryaha Qaxootiga ee Kenya, wuxuuna xusay inay Qaxootiga sii joogi doonaan Kenya ilaa ay Somalia ka noqonayso Waddan Nabad ah.

“Ma filayo inay Qaxootiga Soomaalida khatar ku yihiin Ammaanka Kenya. Waxay Kenya ugu soo qaxeen si ay uga badbaadaan weeraradda Alshabaab iyo macluusha ka dhalatay abaaraha” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka.

Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo waresy siiyey Wargeyska Daily Nation ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay si isku mid ah ula shaqeeyaan Mujtamaca Muslimiinta iyo kuwa Kirishtaanka ku wada nool Kenya si wax looga qabto Xag-jirnimadda Dhallinyaradda.

Danjiraha ayaa Wareysigaasi bixiyey wax yar ka hor markii uu casuumaad afur ah kala qeyb galay Muslimiinta ku nool magaalladda Mombasa oo lagu qabtay Hotelka Royal Court.

Dhinaca kale, Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec waxa uu sheegay inaysan talo fiican ahayn qorshaha Dowladda Kenya ee ay derbiga kaga dhisi doonaan xuduudka dalka Somalia, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay qorshahaasi.

Waxa uu tilmaamay in qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegayo cabsida Alshabaab tahay inla kordhiyo ilaaladda laga hayo xuduudka.

“Kenya waa inay kordhiyaan Ilaaladda Xuduudka Somalia, halkii ay ka door bidi lahaayeen dhismaha derbiga oo aad qaali u ah” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya.

Sidoo  kale, Danjiruhu waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay  Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeryaha Qaxootiga ee Kenya, wuxuuna xusay inay Qaxootiga sii joogi doonaan Kenya ilaa ay Somalia ka noqonayso Waddan Nabad ah.

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor