Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howgallo saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidanka difaaca dowlad Goboleedka Puntland ay ka sameeyeen buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.
Inta ay howgalka ku jireen Ciidanku ayaa la sheegay in iska hor imaadyo ay dhex-mareen iyaga iyo dagaalamayaal ka tisan Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen, waxaana dadka degaanku ay kusoo warramayaan in muddo saacadaha la maqlayay dhawaqa rasaaasta ay isku adeegsanayeen Ciidanka difaaca iyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee Buuraha ku sugnaa.
Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska dagaalkaasi, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay macquul tahay in dagaalka uu ka dhashay khasaare, maaddama jugta iyo dhawaqa rasaasta ay si aad ah u maqlayeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ay qaadeen Howgal qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac.
Inta badan Ciidanka difaaca dowlad Goboleedka Puntland iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee degaanada Puntland, waxaana tiro dhowr jeer ah goobahaasi ak dhacay daggaallo khasaaro badan dhaliyay.