Madaxweyne Qoorqoor oo ku wajahan Magaalooyin ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa marka hore sida uu qorshahu yahay tegaya Cadaado, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa.

Ujeedka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dhismaha Golaha Cusub ee deegaanka Magaalada Cadaado, wuxuuna halkaas kulamo kala duwan uu kula qaadan doonaa Maamulka Magaalada iyo qeybaha Bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdiga la socday ayaa Cadaado kaga sii gudbi doona Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isagoo sidoo kalena halkaas u tegaya dhimaha Golaha deegaanka iyo soo xirirka tababarada u socda labo urur oo ka mid ah Daraaawiishta Galmudug.

Ammaanka guud ee Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media