Ciidamada oo ka ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17aad ee Gorgor ee Kumandooska oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dalka kusoo laabtay,
Ciidamadan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada cirka ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed .
Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.
Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ayaa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweynyahay in ay ka qabsoonto.