Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsme ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkaii Madaxda maamul Goboleedyada dalka ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay War- murtiyeedka Shirkaas, wuxuuna sheegay inay haatan ay muuqato in Dowladda Federaalka, M/Goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda isku raacsanyihiin in la qabto doorasho aan xilligeeda ku dhacda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in qodobo ku jiray Shirkii Dhuusamareeb kuna aadan Doorashada inay soo Afjari doonaan mugdigii iyo jahwareerkii xilliga kala guurka ka jira xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Waxaan soo dhoweynayaa war murtiyeedka ka soo baxay shirka Dhuusmareeb ee Dowlad Goboleedyada. Waxaa muuqata in xukuumadda, Dowlad Goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda isku raacsanyihiin in la qabto doorasho aan xilligeeda dhaafin, farsamada hannaanka (model) kana laga heshiiyo. Tani waxay soo afjaraysaa mugdigii iyo jahwareerkii lagu gadaamay xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu fursaddan ka faa’iidaysto, dadaal toganna horseed uga noqdo ka mira dhalinta wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb” ayuu yiri CC Shakuur.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Galmudug sida midnimada iyo wadajirka leh ee ay kaga mira dhaliyeen shirka Dhuusmareeb wejigiisa koowaad.