Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Khamri aad u farabadan iyo dadkii watay, kuwaasi lagu soo qabtay Howgallo qorsheysan oo ay Ciidanku ka sameeyeen Degmadaasi.
Khamrigaasi ay soo bandhigeen Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa ahaa in ka badan 570 dhalo, waxaan sidoo kale lasoo bandhigay afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya.
Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) oo warbaahinta la hadalaya yaa ka warbixiyay khamriga ay gacanta kusoo dhigeen.
“ Hawlgalka waxa lagu qabtay 576 dhalo oo khamri ah iyo afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya. Iska caabin ayay sameeyeen, waana ku guulaysanay in aan qabanno” ayuu yiri Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig).
Waxaa sidoo kale uu intaa ku daray in Khamriga farabadaan iyo dadkii watay ee ay gacanta kusoo dhigeen, ay Garsoorka hor-gayn doonaan, loogu qaado sharciga.