Hadal-qoraal oo ka soo baxay Bangiga Addunka ayaa lagu ansixiyey lacag wadarteedu dhan tahay 100 million oo Dollar oo lagu taageeraayo sidii loo hagaajin lahaa Adeegyada Daryeelka Caafimaadka ee Somalia.
Mashruuca lagu hagaajinayo Adeegyadaasi waxaa lagu maalgelinayaa 75 million oo ay ballanqaday Hay’adda Kaalmaynta Horumarinta ee IDA, halka ay 25 million oo Dollar ka imaan doonto Xarunta Maalgelinta Caalamiga ee Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee GFF.
Dhinaca kale, Madax-Gobaleedka Bangiga Adduunka u joogta Somalia, Kristina Svensson oo Qoraal soo saartay ayey ku sheegtay in Mashruucaasi sare u qaadi doono Adeegyada Caafimaadka, Nafaqaynta iyo hagaajinta Adeeyada Caafimaadka iyo Tayayntooda ee inta badan Deegaanadda ay Baahida ka jirto, oo ay ku jiraan Goballadda Bay, Bakool, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.