Boliska ku sugan Saldhigga Modika ee Degmadda Garissa ee Gobalka W/bari Kenya ayaa sheegay inay soo qabteen qalabkaasi iyo Mobayl duug ah oo loo adeegsan lahaa in wax lagu qarxiyo, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sarkaal ka tisan Boliska oo lagu magacaabo Joshuwa Wambu’a ayaa u sheegay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inay qalabkaasi ka heleen Bas ka yimid Degmadda Wajeer.
Waxa uu intaasi ku daray inuu baxsaday Kirishboygii baska laga helay qalabka wax lagu qarxiyo, wuxuuna xusay inay Boliska wadaan baaritaan la xiriira dadkii watay qalabkaasi.
Dhinaca kale, Hal qof oo Somali oo ku sii jeeday magaalladda Nairobi ayaa la qabtay, kadib, markii la ogaaday inuusan wadanin wax Aqoonsi rasmi ah.
Links: http://the-star.co.ke/news/garissa-aps-intercept-gadgets-used-make-improvised-explosive-devices
Xigasho: The Star
© Warqabadka Radio Dalsan