Warar kaala duwan ayaa kasoo baxay Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo goordheyd lagu dilay qaybo ka mid ah Suuqa Bakaakara ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dilku uu ka dhacay agagaarka Hoteelka Shaam, waxaana loo gaystay dilka Laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, oo ka agdhawaa halka falku ka dhacay.
Dilka ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan, kuwaasi oo la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib, waxaana la sheegay in Labada Askari ee dilka loo gaystay si weyn looga garanayay suuqa.
Falka ka dib waxaa goobta gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaaasi oo billaabay howgallo iyo baaritaanno ay ku baadi goobayaan raggii dilka u gaystay Askarta ka tirsanayd Ciidanka Dowladda.
Wali lama shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi, sidoo kale laamaha amniga Gobolkani Banaadir wax war ah kama soo saarin, waxaana wali socda baaritaanno ay wadaan Ciidanku.