Al Shabab oo ka baxday degmada Garacad ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaalamayaashii Al Shabab ee xalay la wareegay degmada Garacad ay isaga baxen halkasi.

Ku dhawaad 200 oo dagaalame oo Al Shabab ka tirsan ayaa xalay galay degmada Garacad iyaga oo watay ugu yaraan 3 doon oo ah nooca dheereya sida dadka deegaanka Ay sheegen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dad ajaanib ah ay kamid ahaayen Al Shababkii la wareegay degmada Garacad Ee gobolka Mudug.