Guddiga Komishinka Somaliland oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Xarunta Komishanka kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambassador Nicolas Berlanga, kadib markii uu booqday Magaalada Hargeysa.

Guddiga iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa waxaa ay ka wada hadleen Qaabkii wanagsanayd ee ay u qabsoontay Doorashadii isku sidkanayd ee Goloyaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland C/rashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) ayaa Midawga Yurub uga mahad-naqay sida ay Somaliland uga taageeraan Doorashooyinkii Golaha deegaanka Iyo Baarlamaanka .

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambassador Nicolas Berlanga ayaa Komishanka Doorashooyinka ku amaanay qaabkii ay u qabsoontay doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo degaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor