Wararka aan ka heleyno deegaan hoostaga Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin halkaas ay la wareegeen Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaan lagu Magacaabo Dhajambula oo hoostaga degmada Dhoobleey kaabigana ku haaya Xuduudka u dhexeeya Somalia iyo Kenya, waxaana intaasi kadib halkaas ka dhacay dagaal Culus oo socday muddo kooban.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Jugta rasaas Culus oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Kenya iyo Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in dagaalka kadib ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Saldhiggii Ciidanka Melleteriga Kenya ee deegaanka Dhajambula oo hoostaga degmada Dhoobleey.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya oo ku saabsan warar sheegaya in Ciidankooda lagala wareegay deegaanka Dhajambula.