Akriso:-Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo warar sheegaya in Ciidan la dul dhigay Guryaha Musharixiinta Mucaaradka ah

Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku waaberiistay Xirnaashiyaha waddooyinka ugu muhiimsan ee Muqdisho, kuwaasi oo dadka shacabka ay si joogta u isticmaali jiren, waxaana loo diidayaa in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinka qaar, taasi oo dadka shacabka ku qasabtay in ay lugeeyaan.

Dadka shacabka ah ee saaka waddooyinka laga xiray ayaa sheegay in arrintaan ay saaka kusoo waaberiisteen, waxaana ay intaas ku dareen in tallabadaani ay tahay mid dhibaato ku ah dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

Ciidan Boolis ah oo aad u farabadan ayaa waddooyinka lagu daadiyay kuwaasi oo dadka shacabka ah u diidaya in ay maraan waddooyinka qaar, waxaana isgooysyada Ciidankaan lagu soo daadiyay Saaka aroornimadii hore.

Dhanka kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Ciidan aad u farabadan lagu soo daadiyay Guryaha ay daggan yihiin Musharixiinta Mucaaradka ah, inkastoo aan ilaa iyo hadda la hayn mas’uul gurigiisa Ciidan la dul dhigay, haddana waxaa jira Ciidan aad u hubeysan oo lagu arkayo goobo ka agdhaw Guryaha qaar ka mid ah Musharixiinta, Goobaha Ciidamada ku sugan yihiin ayaa waxaa ka mid ah Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, jidcadde walba oo ku yaalla xaafada Buulo Xuubey ee dhaca dhanka Air Porka, waxaana goobahaas ku yaalla qaar ka mid ah Guryaah Musharixiinta ah.

Warar ka qaar ee Saaka soo baxayay ayaa tibaaxayay in Ciidan ay dowladdu dul dhigtay guryaha musharxiinta, waxana la sheegay in Ciidanku ay yihiin kuwo waddooyinka xiray, mana la oggala in dadka shacabka ahi ay isticmaalaan waddooyinka Ciidanka lagu daadiyay ee ka Agdhaw Guryaha qaar ka mid ah Musharixiinta.

Xaafadaha Buulo Xuubey ayaa si gaar ah loogu daadiyay ciidanka, waxaana degan qaar ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ah sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur iyo qaar kale.

Xildhibaan mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrintan, waxaana  sheegay in Dwoalddu ay Ciidan farabadan gaysay aagga ay deggan yihiin Musharixiinta, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid ay cawaaqib xumo ka dhalan karto.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maal mahaan ay ku jirtaa jahawareer siyaasadeed, waxaana magaalada ka dhacay bannaanbaxyo ay soo qaban-qaabiyeen Musharixiinta mucaaradka ah, balse dowladda ayaa horay kaga hortagtay bannaanbax-yadaasi, waxaana hadda ay dowladdu ku howlan tahay sidii ay kaga hortagi lahayd Bannaanbaxyada dadka shacabka ah ay dhigayaan ee ay ka dambeeyaan musharixiinta mucaaradka ah.