Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kuna beegan 19/11/2018 kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana ay kulanka soo xaadiraan.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah warbixinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka mashruuca liilitirka.
Xildhibaanada ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxaa Wasiirka Maaliyadda uu horkeenay Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019,hayeeshee Xildhibaanada ay sheegeen inaysan ansixin doonin ilaa Wasiirku uu keeno Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkii 2017.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla ajendayaal dhowr ah kuwaas oo la filayo in Xildhibaanada lahor-geeyo si ay uga doodaan.