Messi iyo xulkiisa Argentina oo ku guuleystay Koobka Adduunka

Xulka Argentina ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay rigoorayaal 4-2 ku garaaceen xulka difaacanaya koobka ee France, kadib markii ay barbaro 3-3 ah ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa.

Goolhayaha Argentina Emiliano Martinez ayaa rigoore ka badbaadiyay Kingsley Coman, halka Aurelien Tchouameni uu bannaanka mariyay, taasoo keentay in Argentina ay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee adduunka tan iyo 1986. Waa koobki saddexaad oo ay Argentina ku guuleysato.

France ayaa laba gool kasoo kabatay, kuwaas oo ay ciyaarta kusoo celisay bar-bar dhac 90-daqiiqo ee ciyaartay, iyada oo Kylian Mbappe uu laba gool dhaliyay laba daqiiqo gudahood, ayna ku jirtat rigoore daqiiqadii 80aad.

Argentina ayaa qeybtii hore ee ciyaarta 2-0 ku hoggaamineysay, waxaana kala dhaliyay Messi iyo Angel Di Maria.

About Webmaster

View all posts by Webmaster