Magaalada Baladweyne gaar ahaan fatahaada ka dhalatay Biyaha Webiga Shabeelle ayaa waxaa ka socda baadi goobka qaar kamid ah dadkii shalay Doonta kula degtay Biyaha Wabiga xili ay kusii jeedeen deegaanka Ceel-Jeelle.
Dadka lagu la’yahay Webiga ee la socday doonta oo isugu jira dad Mas’uuliyiin ah iyo kuwa shacab ah, waxaana la shaaciyay Magacyadooda, kuwaasi oo kala ah.
1) Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne
2) Khaliif Hassan Agaasimaha Xafiiska duqa Baladweyne
3) Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne
4) Gulled ibraahin IT dowlada Hoose Baladweyne
5) Abdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne
6) Macalin Nuur Ganacsatade
7) Ahmed Ali Osmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade
8) Muscab Xuseen muuto darawal doonida rogmatay
9) Wiil school sheikh maxamed macalin F4 ka haa oo Magaciisa lahayn,
Dhinaca kale degaanka Shabelow oo ku yaalla Magaalada Baladweyne ayaa waxaa saakay laga helay Meydka Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) oo kamid ah dadkii saarnaa doontii shalay Degtay, sidoo kalena kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Baladweyne.