3 Dhallinyaro Somali-Maraykan ayaa la sheegay in lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Grand Rapids airport ee dalkaasi, xilli ay doonayeen inay ku biiraan Maleeshiyadda Daacish ee ka dagaalanta gudaha dalka Somalia.
Maamulayaasha Federalka ee dalkaasi waxay ku soo oogeen Dhallinyaradaasi inay taageero u hayaan Kooxda Daacish, iyadoo mid ka mid ah Dhallinyardaasi la sheegay inuu ku sii jeeday dalalka ka baxsan Badda, si uu uga mid noqdo dagaalamayaasha Daacish.
Eedeysanyaaasha lagu qabtay dalka Maraykanka waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Muuse C/qaadir Muuse oo 20-jir ah iyo walaalkiisa ka weyn oo lagu magacaabo Maxamed C/qaadir Muuse oo 23-jir iyo Nin kale oo ay ilmo Adeer yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Salaad Xaaji oo 26-jir ah.
Dhamaan raggaasi waxay haystaan Dhalashadda Maraykanka, iyagoo ku dhashay dalka Kenya.