Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayay qeyb ka aheyd waxyaabihii looga hadlay dhibaatoyin mararka qaar dadka Shacabka ah ka soo gaarta ku dabaalashada Badda.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,ayaa sheegay in mararka qaar dad u dabaaltaga Badda ay ku geeriyoodaan,islamarkaana arintaasi ay noqotay mid soo laab laabatay.
Sidoo kale waxa uu uga digay Shacabka in ay raacaan Doomaha yar yar iyaga oo aan wadan Jaakadaha dabaasha,si aysan dhibaato uga soo gaarin hadii ay doonta la qalibanto.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili ay sii kordhayeen dadka ay Maalin walba Badda qaado,iyada oo shalay ugu dambeysay Xeebta liido laga helay meydka wiil yar oo ay horay Baddu u qaaday.