Wiil u dhalay Guddoomiye Degmo oo qeyb ka ahaa Dagaalyahannaddii Alshabaab ee weerartay Gariisa

Waxaa isa soo tarayo faahfaahinta laga helayo Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhowr maalmkood ka hor ku qaadeen Jamaacdda Garissa University.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta daabacay in wiil uu dhalay Guddoomiyaha Degaanka Jamhuuriya ee Mandera, C/llaahi Daqare  uu ka mid ahaa Dagaalyahanadda Alshabaab ee ka dambeysay weerarkii Jamaacadda Garissa oo ay ku geeriyoodeen ku-dhawaad 150-qof.

Dadka ku nool Mandera ayaa aqoonsaday maydka Ninkaasi oo la oran jirey C/raxmaan C/llaahi Daqare, kaasi oo labo sanno ka hor Shahaadada Sharciga ka qaatay Jaamacadda Nairobi.

Waxaa  kaloo la sheegay in C/raxmaan C/llaahi Daqare uu La-taliye dhinaca Sharciga uga hawlgeli jirey Bangi ku yaalla Mandera,  ka hor inta uusan sanandkii hore ku biirin Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Mawenda Najoka ayaa tilmaamay in aabaha dhalay Wiilkaasi uu horey ugu sheegay Hay’addaha Ammaanka inuu wiilkaasi la’ yahay.