DHAGEYSO: Wasiikii hore ee Gaashaandhigga oo Sheegay, haddii Tayo iyo Tababar helaan ciidanka Xoogga ay ka guuleysan Karaan Alshabaab

Wasiirkii hore ee gaashandhigga Xukuumadii Sharmaarke C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kahadlay arimaha ciidamada iyo qorshaha isku dhafka,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in la qaado talaabo dhiiri galineysa Ciidanka.

C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in hadii ciidamada xooga dalka ay helaan tababar iyo qalab dhameestirsan ay muuqan doonto tayada ciidanka,taasina waxa ay horseedi kartaa in ay ka guuleystaan Dagaalamaayasha Alshabaab.

Diini ayaa wareysi uu siiyay VOA laanta Afka Somaliga waxa uu ku bogaadiyay ciidanka xooga dalka doorkii ay ka qaateen howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Halkan ka dhageyso Wasiirkii hore ee gaashaandhigga: