(WAREEGTO): Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Amniga Qaranka ee XFS oo la magacaabay.

 

Wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Islow ayaa so osaaray Wareegto uu ku magacaabay Afhayeenka cusub ee Wasaaradaasi.

Afhayeenka la magacaabay ayaa lagu magacaabaa  Axmed Maxamuud Maxamed “ Sayid Axmed Carab”, waxaana xilka laga qaaday  Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka, C/kaamil Macallim Shukri.

Dhinac kale, Afhayeenka Cusub ee Wasaardda Amniga Qaranka waxa uu horey u ahaa  Afhayeenka Laamaha Ammaanka ee Dowlad-gobaleedka Jubba.

Halkan ka akhriso Wareegtadda lagu mgacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Amniga Qaranka.

©Radio Dalsan