Wararkii ugu danbeeyay Shiinaha iyo Jabaan oo ka dhex tafatay xiisad la xiriirta Taiwan

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in shir ay yeelan lahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Jabaan loo baajiyay war ka soo baxay Dalalka Warshadaha ku hormaray (G7) oo ku saabsanaa Taiwan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jirto Jabaan – ayaa Arbacadii u jeediyay Shiinaha in uu xiisadda ka taagan marin-biyoodka Taiwan ku xalliyo si nabad ah.

Hua Chunying oo ah afhayeenka wasaaradda oo ka hadlaysay shir warbaahinta loo qabtay ayaa sheegtay in Beijing ay aad uga xun tahay hadalka.

Dhinaca kale Shiinaha ayaa gantaallo dhowr ah oo nooca riddada dheer ah ku riday biyaha u dhow jasiiradda Taiwan, gaar ahaan xeebaheeda dhinaca waqooyiga-bari iyo koonfur-galbeed.

Warkan waxaa shaacisay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Taiwan oo walaac wayn ka muujinaysay tallaabadaas militeri oo maalmihii lasoo dhaafay laga digayay.

Shiinaha ayaa sheegay inuu “howlgal millateri” ka bilaabay aagga jasiiradda Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha,Lijian Zhao, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeterka ku sheegay in ciidanka xoreynta shacabka ee PLA ay howlgal millateri oo wadajir ah ka bilaabeen agagaarka jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan.