Ugu yaraan 26 qof  oo ku geeriyootay duqeyn ka dhacday Bariga dalka Syria.

Kooxda la-socodka  dagaalka dalkaasi ayaa sheegtay in Diyaarado loo malaynayo inay leeyihiin Isbahaysiga Maraykanka duqeeyeen labo goobood oo ku taalla Gobalka Deyr Al-suur ee Bariga Syria.

Duqeyn ka dhacday Degmadda Bukamaal, kuna dhow Xuduudka Iraq ayaa la sheegay in lagu dilay 13 qof oo rayid ah iyo 3 Maleeshiyo.

Weerar kale oo ka dhacay Degmadda Al-xueyniyah ee u dhow Webiga Furaad waxaa ku geeriyootay 7 qof oo rayid ah.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish waxay maamulaan inta badan Gobalka Deyr Al-suur ee isku xira Xuduudka ay ka haystaan dalalka Syria iyo Iraq.

©Radio Dalsan