Uganda oo Sheegtay Iney Adkeeneyso Ammaankeeda

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Paddy Ankunda, ayaa hadalkaasi sheegay saacado kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ka digtay weeraro ku soo fool leh Kampala.

“Waxaan og nahay inay jiraan cabsida Argagixisadda, waana uga dignay dadka” ayuu yiri Paddy Ankunda, wuxuuna heerka digniinta ku sheegay mid aad u hooseysa, inkastoo ay ilo ku dhowdhow Diplomaasitiinta Reer Galbeedka sheegeen inay digniinta tahay mid aad u khatar ah.

Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Kampala ayaa waxay ka digeen weeraro ka dhici kara magaalladda Kampala.