Boliska dalka Denmark waxay gacanta ku dhigeen labo qof oo asalkooda yahay Somali iyo Pakistan, kuwaasi oo la sheegay inay qorsheynaayeen inay khaarjiyaan Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Nikolay Wameen.
Wargeyska Extra Bladet ee ka soo baxa caasimadda dalka Denmark ee Kobanheegan ayaa qoray in Raggaasi lagu qabtay Hawlgal ay Boliska ka sameeyeen qeybo ka tirsan magaalladda Kobanheegan.
Wargeyska waxa uu qoray in Eedeysanayaasha lagu sii daayey damiin, kadib markii shalay la horgeeyey Maxkamadda magaalladda Kobanheegan.
Eedeysanayaasha laguma soo oogin falal Argagixiso, inkastoo Dacwad-oogayaasha tilmaameen inau raggaasi  qorsheynayeen weerar ka dhan ah Wasirka Gaashaandhigga dalkaasi, Nikolaay Wameen.
Dhinaca kale, Garyaqaanadda u doodaya Raggaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inuusan kiiskooda ahayn  mid aad khatar u ah.
Boliska Denmark waxay ka gaabsadeen inay Warbaahinta u faahfaahiyaan Kiiska loo haysto Eedeysanayaashaasi.
Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Nikolay Wameen. Waxa uu tan iyo bishii hore ku jiray Badbaadinta Boliska, kadib, markii bishii hore ee Feberaayo 14-dii iyo 15-dii weeraro mataano ah  ka dhaceen magaalladda Kobanheegan.
Hay’adda Ammaanka iyo Sirdoonka Denmark (P.E.T) waxay Toddobaadyadii la soo dhaafay hawlgalo ilaalo ah ka wadeen Hoyga Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Nikolay Wameen oo isaga horey loogu hanjabay in la dili doono.