Waxaa Goordhow soo gaba gaboobay Wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo ahaa wareegii ugu dambeeyay waxaana ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Cabdi Waare.
Ilaa 97 Xildhibaan oo Goobjoog ka ah doorashada ayaa codkooda dhiibtay,kuwaas oo kala saarayay labada musharax ee ugu dambeeyay ee ku tartamayaay xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Codeynta ayaa hadda soo gaba gaboowday, waxaana Goordhow la guda galay tirinta codadka ay kala heleen labada musharax ee Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Cabdi Waare.
Goordhow la socda Natiijada iyo cida ku guulesatay doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle