Waxaa goordhow la soo gaba gabeeyay doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo Wareegii ugu dambeeyay ay isugu soo hareen kuna tartamayeen Daahir Cabdulle Cawaale  iyo Maxamed Cabdi Waare.
Dhamaan xildhibaanada Hir-Shabeelle ee howlka doorashada ku sugnaa ayaa codkooda dhiibtay si ay u kala saaraan labadii musharax ee isugu soo haray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada.
Musharixiinta ayaa kala ah
Maxamed Cabdi Waare oo helay  74 Cod
Iyo Daahir Cabdulle Cawaale   oo helay 23 Cod
Sidaasi Waxaa Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ugu guuleestay Maxamed Cabdi Waare, oo Hir-Shabeelle hoggaamin doona isla markaana bedeli doona Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali Cabdullaahi Cosoble.
Goordhow la socda Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.