Telefishinka Aljazeera oo shaqaale dhimis samaynayo.

Hadal ka soo baxay  Shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ayaa lagu sheegay inay dhimi doonaan ku-dhawaad 500 oo qof, kuwaasi oo badankooda ka mid ah kuwa ka hawlgala Xarunta Dhexe ee TV-ga ee ku taalla caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Hindisaha Shaqaale-dhimista ayaa lagu micneeyey iyadoo ay socdaan Isbedel laagu sameynayo Muuqaalka Warbaahinta la iska arko ee Aljazeera TV.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Aljazeera, Mustafa Sowag ayaa sheegay inay dhowrkii bilood ee la soo dhafaay si taxadir leh u eegeen tallaabooyinka suurtogalka ah in la qaado iyo in la hubiyo in heer wanaagsan taaganahay.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Wraarka iyo Doodaha Tooska ah.

aljazeera media

©Radio Dalsan