Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galaangal xooggan u galay sidii uu Madax Dhaqameedka Beelaha Reer Hiiraan ugu qancin lahaa inay ku biiraan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Madaxweynaha oo maanta Kulan Xasaasi ah la qaatay Hoggaamiyayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan ayaa waxa dood iyo falaanqeyn dheer kadib la isku af gartay inay Odayaasha Beelaha Reer Hiiraan ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo gogosheeda fidsan tahay magaalladda Jowhar.
Ilaa 11-Hoggaamiye Dhaqameed ayaa oggolaaday inay ku biiraan Shirkaasi, inkastoo ugu yaraan 2 Hoggaamiye Beeleed oo Reer Hiiraan ah ay qaadaceen Shirka Jowhar.
Madaxweynaha iyo Odayaasha oggolaaday inay ka qeyb galaan Shirka Jowhar waxay isla meel dhigeen dhowr qoddob, oo ay ugu muhiimsan yihiin:-
- Inay Beelaha Reer Hiiraan dib ugu laabtaan Shirka Jowhar.
- In Odayaasha Beelaha Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe loo gacan geliyo Talada Shirka Maamul-u-samaynta.
- Inay Dowladda Federalka fududeyso Ambaqaadka Shirka Jowhar.
- In si wadajir ah loo qanciyo Beelaha kale ee diidan Shirka Jowhar ama dhaliil iyo gocasho tebanayo.
- Fulinta Heshiiskaasi waxaa mas’uul looga dhigay Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo isagu dadaal xooggan u galay sidii la isugu keeni lahaa Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lama huraan ah in la sii wado Wada-xaajoodka, si loo qanciyo Madax Dhaqameedyadda qaadacsan Shirka Jowhar, oo iyagana ku habboon inay tanaasul u sameeyaan Maslaxadda Qraanka iyo Danaha Reer Hiiraan oo dhan.
©Radio Dalsan